Macalin Nuur maanta wuxuu naga mudanyahay wax ka weyn Mahadcelin & Hambalyo.

Macalin Nuur Maxamed Amiin waa maskaxdii ka dambeysay guusha Xulka Qaranka 17 jirrada oo maanta qaaday koobka 17 jirrada Bariga iyo Bartamaha Afrika taariikhda markii ugu horreysay.

Macalin Nuur wuxuu Xulka Qaranka Soomaaliya u ciyaaray muddo 14 sano, wuxuu keydka kusoo billaawday kaliya 1 kulan, wuxuu ahaa shaqsigii dhaliyay goolkii ay Xulka Qaranka Soomaaliya ugu gudbeen Finalkii ugu horreeyay 1979-kii, koobka Carabta.

Wuxuu Macalin Nuur sidoo kale dhaliyay goolkii ugu fiicnaa koobka CACAFA, goolkaas oo ahaa barbar dhac, sababayna in xulka Qaranka ugu gudbaan Finalka Koobkaas, oo ay Soomaaliya ku qaadday gudaha Dalka.

Macalin Nuur oo dalka muddo ka maqnaa ayaa kusoo laabtay 10 sano ka hor, wuxuu dalka ka billaabay diyaarinta dhallinyaro da’dooda ka yartahay 15 jirro, kuwaas oo uu ka aruurin jiray iskuullada, si uu kor ugu qaado xirfaddooda.

Wuxuu ahaa shaqsigii diyaariyay inta badan ciyaartooydii xulka Qaranka 17 jirrada Soomaaliya ee yimid Finalka Koobka 17 jirrada Bariga iyo Bartamaha Afrika, kaas oo ka dhacay Dalka Burundi, waloow uu Cabdiqani Siciid Carab u diiday in uu isaga hoggaamiyo.

Sannadkaan oo uu Xulka Kubadda Cagta isticmaalaayo ciyaartooydii uu isla isaga soo saaray ayuu Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Shiine u xushay Macalinka Xulka Qaranka, maadama uu isaga waqti badan galiyay ciyaartooydan.

Wuxuu maanta sabab u noqday in koobkii ay 2018 Final tageen ciyaartooydii uu isaga soo saaray oo da’ ahaan hadda ka weynaaday 17 jirrro uu kusoo qaado dhallinyaro kale oo uu dhisay xirfaddooda oo 17 jirro ah.

Howl walba marka qofka mudan loo dhiibo, waxaa la arkaa in ay guuleysato, Macalin Nuur maanta wuxuu naga mudanyahay wax ka weyn Mahadcelin iyo Hambalyo.

W/Q:- Nuune Cali Xasan