Taalibaan oo Mareykanka ugu baaqday inuu dib u eegis ku sameeyo xayiraadaha madaxda Afghanistan

Dowladda Taalibaan ee Afghanistan ayaa Arbacadii dhaleeceysay cunaqabateynta cusub ee Mareykanku kusoo rogay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasheeda, iyadoo ku tilmaantay “mid caqabad ku ah horumarka” xiriirka labada dal.

Falcelintan ayaa timid maalin kadib markii Maraykanku uu ku dhawaaqay siyaasad cusub oo xaddideysa fiisaha, si loogu ciqaabo hoggaamiyeyaasha hadda ama kuwii hore ee Taalibaan iyo kuwa kale ee “la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ku lug leeyihiin, cabburinta” haweenka iyo gabdhaha Afghanistan, iyadoo loo marayo siyaasado xaddidan iyo rabshado.

“Go’aamadan oo kale waxay saameyn xun ku yeelan karaan xiriirka labada dhinac,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Taalibaan. “Dhammaan khilaafyada waa in lagu xalliyaa dariiqyo diblomaasiyadeed, go’aannada aan ka shaqaynayn danaha labada dhinac waa in dib loo eego,” ayay raacisay Taalibaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken, ayaa markii uu shaaca ka qaaday cunaqabateynta Talaadadii, wuxuu sheegay in xubnaha qoyska ee dadka la cunaqabateeyay sidoo kale laga yaabo in lagu soo rogo xayiraadahan.

Blinken wuxuu ugu baaqay dowladaha kale inay ku biiraan Washington si ay u qaadaan tillaabooyin la mid ah si ay farriin wadajir ah ugu diraan Taliban in kaliya dowlad matasha dhammaan Afghanistaan oo ixtiraamaysa xuquuqahooda bini’aadannimo loo aqoonsan karo sharci.

Taalibaan ayaa difaacday siyaasadooda, iyagoo sheegay inay waafaqsan yihiin dhaqanka Afghanistan iyo awaamiirta Islaamka.

Waxay sidoo kale sheegeen in dowladda rag kaliya ah ay matasho dhammaan dadka Afghanistan, waxayna meesha ka saareen eedeymaha ku saabsan xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka oo ay ku tilmaameen dacaayad warbaahinta reer galbeedka, taas oo ka dhan ah maamulkooda.

Dowladaha shisheeye weli ma aqoonsan dowladda cusub ee Afghanistan sababo la xiriira xuquuqda aadanaha iyo walaacyada la xiriira argagixisada.

voa