Ciidamada NISA oo howlgal qorshaysan ka fuliyey Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran Duufaan ee hay’adda NISA.

Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka ayaaa howlgalka ka sameeyey degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, gaar ahaan guryo ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmadaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay ku socdeen bartilmaameed, islamarkaana ay gudaha u galeen guryo markii hore laga shakisnaa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Duufaan ay horey usoo kaxeysteen shaqsiyaad la tuhmayo inay yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo ay haatan ku socoto baaris.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ay kasoo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan howlgalka ay sameeyeen ciidanka NISA.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda, gaar ahaan Booliska iyo Nabad Sugidda ayaa kordhiyey howlgallada Muqdisho, si looga hortego falalka liddiga ku ah nabad-gelyada.

Si kastaba, caasimada ayaa wajaheyso xaalad amni oo daran, kadib markii ay culeys soo saartay kooxda Al-Shabaab oo dagaallo looga furay inta badan gobollada dalka.