Khawaarijta oo Galgaduud Ku dishay Gudoomiyihii Maxkamadda Cadaado Iyo Wiilkiisa.

Dagaal yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa xalay gobolka Galgaduud ku dishay Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Degmada Cadaado iyo Wiil uu dhalay oo la socday.

Dableyda Shabaabka ah ee dilka argagaxa ah geysatay oo ka yimid deegaanka Baaldheer ayaa labadan qof ku dishay deegaanka Dhisiq Shurufle, xili gudoomiyaha uu ku booqanayay halkaasi ehelkiisa.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxihii falkaasi geysatay ay dilla kadib ku laabteen deegaanka Baaldheer oo ah halka ay markii hore ka soo duulaan tageen, iyadoo kacdoon ay sameeyeen shacabka deegaanka oo falkaasi ka carooday ay weerar ku qaadeen saldhiggii Shabaab ee halkaasi.

Wararka laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dadkii shacabka ahaa ee is abaabulay ay Shabaab ka saareen deegaanka ayna gaarsiiyeen khasaare kala duwan.

Wasaaradda amniga Galmudug ayaa ka tacsiyaysay weerarkaan iyada oo sheegtay in aysan dadka reer Galmudug ka hor istaagi doonin iska caabinta maleeshiyada Ururka Al Shabaab.