Rooble: In aan ku dhinto dagaalka Al-Shabaab ayaan diyaar u ahay.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden ayaa ka warramay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Shabaab.

Rooble oo khudbad ka jeediyey madal loogu duceynayey dadkii ku dhintay qaraxyadii 29-kii bishii hore ee October ka dhacay agagaarka Zoobe ayaa jeediyey baaq culus oo ku aadan in loo midoobo dagaalka adag ee haatan lagu jiro xoogaga hubeysan ee kooxda Shabaab.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa shaaca ka qaaday in isagu diyaar u yahay inuu dagaalka ka qayb-galo, islamarkaana uu naftiisa u huro xoreynta dalka.

“Aan isbaheysano cadowgaan cadow soo jiray waayey, aniga diyaar ayaan u ahay inaan ku dhinto dagaalka naf kastaa maalinbey ku egtahay, laakiin carruurteena ayaa badbaadeyso” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kooxdu ay kordhisay weeraradeeda, maadaama inta badan deegaanada Hiiraan laga saaray iyo qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, taasina ay muujineyso in uu sii dhammaado waqtigeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaama dagaal lagu qaaday oo Hiiraan laga soo saaray Jowhar iyo agagaarkeedana ay waxyar ka dhiman yihiin naf la caari waayey dhib waa geysanayaan,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta in ay meel iska dhigaan kala fikir duwanaanshiyaha siyaasadeed, ayna u soo jeestaan horumarka dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaas deegaano badan looga qabsaday, sidoo kalena jab culus lagu gaarsiiyey.