Ruushka & Mareykanka oo shir qarsoodi ah ka yeeshay sidii looga baaqsan lahaa dagaal Nukliyeer

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka Jake Sullivan ayaa xaqiijiyay in wada-hadallada Washington iyo Moscow ay wali furan yihiin.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli Aqalka Cad uu diiday in uu beeniyo wararka sheegaya in Mr Sullivan uu hoggaaminayay wadahadallo uu Ruushka la yeelanayay si looga hortago xiisadda nukliyeerka ee Ukraine.

Isagoo ka hadlayay New York, Mr Sullivan wuxuu sheegay inay “danta” Mareykanka ku jirto in la sii wado xiriirka Kremlin-ka.

Balse waxa uu ku adkaystay in saraakiishu ay ” ka taxadareen cidda aanu la macaamileyno”.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in Mr Sullivan uu dhowrkii bilood ee la soo dhaafay wadahadalo qarsoodi ah la yeeshay dhiggiisa Ruushka, xoghayaha golaha ammaanka Nikolai Patrushev, iyo kaaliyaha sare ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Kremlin-ka Yuri Ushakov.

Saraakiil sarsare ayaa wargeyska u sheegay in raggan ay ka wada hadleen sidii looga hortagi lahaa khatarta nukliyeerka ee dagaalka Ukraine iyo wada xaajood ku saabsan sidii loo soo afjari lahaa colaadda.

Bishii la soo dhaafay, Mr Sullivan wuxuu sheegay in adeegsiga hubka nukliyeerka uu “cawaaqib xun ku yeelan doono Ruushka”.