78 suxufi oo Soomaaliya lagu dilay 20-kii sano ee lasoo dhaafay

Ku dhawaad 1,700 oo suxufiyiin ah ayaa lagu dilay caalamka 20-kii sano ee lasoo dhaafay, tiradaas oo celcelis ahaan noqoneysa in la dilay inka badan 80 sanadkii, sida lagu sheegay falanqeyn ay daabacday hay’adda suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee Reporters Without Borders.

Hay’adda fadhigeedu yahay magaalada Paris ee dalka Faranksiiska ayaa sheegtay 20-kii sano ee u dhexeeyay 2003 iyo 2022 ay ahaayeen sanadihii ugu dhibka badnaa saxafiyiintaa, maadaama la dilay suxufyiinta heysta xaqa wargalinta iyo kuwa u ololeeya xaquuqda warbaahinta.

“Tiridan waxaa ka dambeeya wejiyada, shakhsiyaadka, kartida iyo dadaalka kuwa naftooda ku bixiyay xog ururintooda, raadinta runta iyo xiisaha ay u qabaan saxaafadda,” ayuu yiri xoghayaha guud ee RSF Christophe Deloire.

Ciraaq iyo Suuriya waxay ahaayeen dalalka ugu khatarta badan ee ay ka shaqeeya suxufiyiintu, iyada oo lagu dilay “isku geyn 578 wariye 20-kii sano ee la soo dhaafay, ama in ka badan saddex meelood meel tirada guud ee caalamka lagu dilay,” ayay tiri hay’adda RSF.

Waxaa ku xiga Mexico (125 lagu dilay), Filibiin (107), Pakistan (93), Afghanistan (81) iyo Soomaaliya (78).

Sanadihii ugu dhimashada badnaa ayay RSF ku sheegtay inay ahaayeen 2012 iyo 2013, “sabato ah dagaalka Suuriya”, iyada oo warbixintu ay sheegtay in sannadkii 2012 ay dhaceen 144 dil iyo 142 dil sanadkii ka dambeeyey ee 2013.

Laakiin dhimashadu mar kale ayay korortay 2022 qayb ahaan, sababo la xiriira dagaalka Ukraine. 58 wariye ayaa la dilay iyagoo shaqadooda gudanaya, iyadoo sanadkii 2021-kii ay ahaayeen 51 wariye.

Siddeed Suxufi ayaa lagu dilay dalka Ukraine tan iyo markii uu Ruushka galay duulaanka bishii February. Tani waxay is barbardhigtay wadar ahaan 12 dhimasho oo warbaahineed oo halkaas ka dhacay 19-kii sano ee la soo dhaafay.

Ukrain ayaa hadda ah dalka ugu khatarta badan qaaradda Yurub dhanka warbaahinta, marka laga reebo Ruushka dhuqidhiisa oo 25-kii sano ee lasoo dhaafay lagu dilay 25 wariye.

VOA