Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Dowlad Gobaleedka Koonfur galbeed.
Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo ka tirsan 135-ta oday iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulankooda waxaa looga hadlay shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee uu ku baaqay Guddoomiyaha iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab kaas oo ka socda qaar ka mid ah Goballada Dalka.
Ku simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa duubabka dhaqanka ka talageliyay arrimaha dib uheshiisiinta si loo gaaro midnimo iyo isku-tashi, waxeyna si buuxda u taageereen shirka, iyagoo isla adkeeyey in meel looga soo wada jeesto kooxda arxan-laawayaasha ah.