Atlas Lions:- sidee ayay tamar cusub ugu shubeen kubbadda Afrika iyo Carabta?

Xulka qaranka Marooko ayaa soo dhawayn balaaram looga sameeyay dalkooda ka dib markii ay ku guulaysteen in ay kaalinta afraad kaga soo baxaan koobka aduunka ee Qatar, taas oo siisay awood aan hore loo arag oo ku dhiiragalinaysa qaab ciyaareedkooda sii kobcaya.

Kadib markii diyaarada ay saarnaayeen ku laabatay Marooko Talaadadii, ciyaartoyda ayaa fuulay bas dusha sare ka furan oo ay ku marayeen wadooyinka waaweyn ee caasimada Rabat. Dhawaaqa, heesaha iyo calamada ayaa xamaasad u yeelaayay socdaalkood, iyada oo kumannaan Moroccan ah ay iskugu soo bexeen wadooyinka si ay u dhaweeyaan ciyaartoyda, kuwaas oo tamar cusub ku shubay kubbadda Afrika iyo Carabta.

Xulka Morocco, oo loo yaqaan ‘Atlas Lions’, ayaa qalbiyada dadka ku kasbaday hab-dhaqankooda wanaagsan waxayna taariikhda ka dhigeen mid ka mid ah sheekooyinka guusha weyn ee tartanka sanadkan.

Fans celebrate during a homecoming parade of Morocco national football team in central Rabat
Taageerayaasha ayaa u dabaaldegaya inta lagu guda jiro soo dhawaynta kooxda kubada cagta ee Morocco.

Morocco ayaa ka adkaatay xulalkii caanka ahaa, iyagoo garaacay Belgium oo ku jira kaalinta labaad, iyagoo rigoorayaal kaga qaaday Spain, waxayna sii wadatay wacdarihii ay 1-0 kaga badisay Portugal 2016-kii koobka Yurub, ka hor inta aysan ku turunturoobin xulka difaacanaya koobka ee France. Intii lagu jiray jidka, Libaaxyada Atlas waxay noqdeen waddankii ugu horreeyay ee Afrikaan iyo Carab ah oo gaara semi-finalka Koobka Adduunka.

Ciyaartoyda ayaa kasbaday dabaal dag gaar ah oo ay sameeyeen taageerayaashu, iyadoo booliisku ay waardiyeynayeen waddooyinka Rabat. Dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka iyo inta kale ee boqortooyada Waqooyiga Afrika si ay ugu soo laabtaan dalka.

Maxkamadda boqortooyadu waxay sheegtay Isniintii in Boqor Mohammed VI uu kooxda ku qaabili doono qasriga ku yaal Rabat “si ay ugu dabaaldegaan guulahooda weyn oo taariikhiga ah”.

Kooxda ayaa ku dhameysatay kaalinta afaraad ee tartanka ka dib markii ay guuldarro 1-2 ah kala kulantay Croatia ciyaartii kaalinta seddexaad Sabtidii, taasoo dhaaftay filashada inta badan Morocco.

fans in brussels watch belgium vs morocco match
Taageerayaasha Morocco ayaa u dabaaldegay ka dib markii kooxdoodu ay gool ka dhalisay Belgium intii lagu jiray ciyaartii FIFA World Cup, ee Brussels November 27, 2022 [Fayl: Reuteres/Yves Herman]
Kooxda Marooko ayaa soo jiitay taageerayaal badan oo Carab ah kuwaas oo kooxda ka dhex arkayay muuqaal ay iska muujinayaan. Ciyaartoyda ayaa guushooda kadib ruxayay calanka Falastiin, waxaana ay garoonka kula dabaal degeen hooyooyin iyo caruur.

Kooxdu waxay kaloo taageertay Afrika oo dhan.

“Hadii uu qof ii sheegi lahaa tartanka ka hor in aan 7-kulan ku ciyaari doono Qatar, waan ku farxi lahayn”ayuu tababaraha Morocco Walid Regragui oo la hadlaayay BeIN Sports.

“Dhammaan dadka Morocco, Afrikaanka iyo Carabtu waxay arkeen sida kooxdani u dagaalantay oo ay rabeen inay dalka ka farxiyaan … Waxaan isku dayi doonaa inaan soo laabano afar sano ka dib,” ayuu raaciyay 47-jirka, oo xilka la wareegay bishii Ogosto.