Taliska NISA ee gobolka Banadir oo gacanta ku dhigay qarax iyo nimankii watay.

Taliska Nabad Sugida ee gobolka Banaadir ayaa fashiliyay qarax lala damacsanaa magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho sida uu xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda mukhaabaraadka Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda ayaa u sheegay Xaldoon Media ciidanka Nabad sugida gobolka Banaadir ay qabteen Mooto Bajaaj iyo Qori SABAN ah iyo maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada naf lacaariga ah.

Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay mid ka mid ah maleeshiyaadka, halka mid kalana lagu dilay howlgalka.

No photo description available.

Taliska nabad sugida gobolka Banaadir ayaa sheegay in baaritaan dheeri ah lagu wado Mootadda, Hubka iyo Ninka la qabtay si loo ogaado bartilmaameedkooda iyo in ay jiraan dhagarqabayaal kale oo qayb ka ahaa qorshohooda guracan.

Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir Muxudiin Warbac ayaa maalmihii la soo dhaafay xoojiyay dadaaladda amniga la xiriira ee uu ka samaynayo magaaladda Caasimadda ah isaga oo ku guulaystay in uu horjoogsado falalka guracan ee kooxda.

Xaldoon ayaa fahamsan in ciidanka NISA qaybtooda gobolka Banaadir la galiyay heegan buuxa ka dib xuuraansi ay ka heleen ilo kala duwan oo sheegaya in kooxdo weeraro ka gaysan karto caasimadda iyada oo ka jawaabaysa howlgalada dalka ka socda.

Amniga magaaladda ayaa hay’adaha amaanka wax wayn ka badaleen tan iyo markii ay xoogaysteen weerarada ka socda goboladda dalka.