Ciidanka Booliska oo gacanta ku dhigay Burcad dhac ka geestay Degaanka Garasbaaley

Ciidanka Booliska degaanka Garasbaaley ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah Kooxda Burcadka hubeysan ee dadka Shacabka ah dhaca, sidookalana rasaas uu ku furay Ciidanka Amniga ku dilay qof shacab ah, laba kalana ku dhaawacay.

Ciidanka ayaa Ninkaan buracadka ah ka qabtay Waaxda 3-aad ee degaanka Garasbaley, xiligaas oo uu dhacaya qof dumar ah oo uu ka qaatay teleefan ay wadatay, waxa uuna watay Qoriga loo yaqaan M-16.

Ciidanka Ammniga ee Booliska ayaana haatan kusoo xiray Saldhigga Degmada Dharkenley, waxaama la hor geenayaa Maxkamada ciidamada si loo marsiiyo Xukunkiisa.

Laamaha Amniga Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa wada Howgallo lagu baadi goobaya burcadda dhaca u geesata Bulshada ku dhaqan Caasimadda Soomaaliya, sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa amarro soo saaray kaas oo lagu baarayo guryaha iyo Xaafdaha Magaalada.