Ciidanka Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Jannaay

Ciidanka Xoogga dalka iyo Ciidanka daraawiishta Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo iskaashanaya ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Jannaay Cabdalle oo 60 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka laga helayo deegaanka Jannaay Cabdalle ayaa sheegaya in deegaankaas uusan wax iska horimaad ah ku dhexmarin ciidamada xoogga, kuwa Maamulka Jubbaland oo isku dhinac iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo la sheegay inay isaga baxeen degaanka.

Taliska Qeybta 43-aad ee xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in Shabaab isaga tageen, isla markaana ay ciidamada ay haatan ka wadaan halkaas howlgalo lagu xaqiijinayo amniga, sidoo kalena gudaha deegaanka looga baarayo miinooyin qaraxyo ah.

Maamulka Jubbaland ayaa horey u sheegay inay bilaabayaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab, oo ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka oo ay Al-shabaab ku sugan yihiin.