Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Guddi gaar ah u saaray dhibaatada ka taagan Laas-caanood

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa  Magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaariya shaqaaqooyinka ka socda magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laas-caanood.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 10 Xubnood oo katirsan golaha Shacabka ayaa guddoomiyuhu sheegay in Magacaabistaan ay timid kadib soo jeedin uga timid Xilldhibaannada Golaha Shacabka doodii kal-fadhiga labaad kulankiisa 7aad ee shalay qabsoomay, waxaana Magacyada Xubnaha Guddiga ay kala yihiin.

  1. Xil. Mustafa SheekAli Dhuhulow
  2. Xil. Abdillaahi Bidhaan Warsame Hassan
  3. Xil. Cabdikariim Cumar Xuseen
  4. Xil. Cabdisaabir Shuuriye
  5. Xil. Abdikadir Omar Moalin (Daada)
  6. Xil. Abdikarim Abdow Heydar
  7. Xil. Abdillaahi Abdi Mohamed (Geel qaad)
  8. Xil. Mohamed Osman Omar (Naastaro)
  9. Xil. Abdullahi Abukar Haji (Abdullahi Carab)
  10. Xil. Hassan Abdi Ismail

Xubnaha guddiga uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) u xilsaaray dhibaatada ka taagan magaalada Laas-caanood ayaa Guddoomiyuhu sheegay inay Shaqadoodu tahay.

In uu warbixin kasoo diyaariyo xaaladda ka aloosan magaalada Laascaanood, taasoo sababtay dhimasho, dhaawacyo iyo in bulshada barakacdo;

In uu warbixintiisa u soo gudbiyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka si xal loogu gaaro;

2) Xubnaha Guddiga waxaa la faraya in ay si degdeg ah u hawlgalaan.

3) Xoghayaha Guud waxaa la faraya in uu xubnaha Guddiga wargeliyo, kullamadooda abaabulo una sahlo dhammaan wixii xilgudashadooda u fududeynaayo.

4) Si waafaqsan Qodobka 37aad Faqradda 5aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, muddada xilhaynta guddigan waxay ku eg tahay isla maalinta Golaha Shacabka ka go’aan gaaro warbixinta Guddiga.