MW Qoor Qoor oo Saraakiisha Ciidanka Dowladda kulan kula qaatay Magaalada Xarardheere

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi kaariye oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha ciidanka Dhulka oo maalintii 5aad ku sugan magaalada qadiimiga ah ee Xarardheere ayaa Kulan la qaatay Saraakiisha ciidamada qalabka sida, qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee Dowladda Galmudug, maamulka gobolka iyo kan degmada Xarardheere.

Kulankaan ayaa looga hadlayay adkaynta Amniga Degmada Xarardheere iyo joogeynteynta howlgalada lagu xoreynayo deegaanada kale ee Galmudug, Xilli bartamihii todobaadkii hore ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ay la wareegeen Degmooyin iyo deegaanno dhawr ah oo ka tirsan Galgaduud iyo Mudug.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa kulamo gaar ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Xarardheere oo haatan wajahaya xaalado bini’aadanimo, asagoona baaq u diray DFS iyo beesha caalamkaba inay la soo gaaraan gargaar.

Guud ahaan degmooyinka iyo deegaannada Galmudug ayaa waxaa ka socda  dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab kaas uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Bartamidii sanadkii tagay.