Ra’iisul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern oo is-casishay

Ra’iisul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa Khamiista maanta ah si lama filaan ah ugu dhawaaqday in aysan “wax niyad ah u heynin” inay sii hoggaamiso dalkeeda, ayna xilka ka degayso ugu dambayn horraanta Febraayo, isla markaana aysan raadin doonin dib u doorasho.

Ardern oo ilmada isku celinaysa ayaa sheegtay in shan sano iyo bar oo ay ra’iisal wasaare ahayd ay soo martay dhibaato aad u adag, waxayna sheegtay inay tahay qof damiir leh oo bini’aadam ah, loona baahan yahay in ay xilka ka dagto.

Ardern, oo 42 jir ah, ayaa ku sheegay shir jaraa’id inay isku diyaarisay in aysan ka qeyb qaadan doorasho kale sannadkan.

“Waan ogahay in ay jiri doonto doodo badan oo ka dhalan doona go’aankan aan qaatay oo la is weydiin doono, sababta aan xilka uga degayo, laakiin waxa kaliya ee lasoo heli doono waa inaan ahay qof bini’aadam ah oo la soo gaaray xilligii uu xilka ka degi lahaa” ayay tiri Ardern.

Ardern waxa ay sheegtay in aanay xilka uga degin in shaqadu ay ku culus tahay, balse waxay sheegtay inay aaminsan tahay in dadka kale qaban karaan shaqo ka wanaagsan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka New Zealand Grant Robertson, oo sidoo kale ah wasiirka maaliyadda, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuusan raadin doonin inuu noqdo hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha oo ay hadda hoggaamiso Ardern.

Ardern ayaa kusoo biirtay masraxa siyaasadda adduunka sannadkii 2017 markii ay noqotay haweeneydii ugu da’da yareyd ee madax ka noqota adduunka xilligaas oo ay aheyd 37 jir.

Hannaanka hoggaamineed ee Ardern ayaa lagu tilmaamaa inuu ahaa mid naxariist leh, waxaa lagu xasuusta jawaabtii ay ka bixisay toogashadii ka dhacday laba masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch sannadkii 2019, kuwaas oo lagu dilay 51 qof, 40 kalena lagu dhaawacay, iyada oo weerarkaas markiiba ku tilmaantay mid argagixiso ah, isla markaana xiratay jalbaab markii ay la kulmeysay Muslimiinta dalkeeda.