Shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta KG oo galay maalintiisa labaad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta deegaanka ee ka aragtida duwan maamulka.

Qoraal ka soo baxay Maxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed u leeyahay Nabadda, Wadajirka iyo Horumarka deegaanka isaga oo xusuusiyay Madaxda ka qayb galeysa in ay Shacabku ka sugayaan natiijo wax-tar u leh mustaqbalkooda.”

Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti iyo Wasiirkii hore ee Dekadaha Xukuumadda Federaalka Yuusuf Macallin Aamiin (Baadiyo).

Galinkii dambe ee shalay ayaa Magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed waxaa ka furmay shirka dib u heshiisiinta siyaayiinta ka soo jeeda deegaanna koonfur Galbeed kaas uu ku baaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur.