Dagaal culus oo maanta markale ka qarxay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

Dagaal culus ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qaar ka mid ah dadka yar ee ku harsan magaalada ayaa VOA u sheegay in saaka 4-tii aroonimo ay ku soo baraarugeen hugunka madaafiicda iyo rasaas xooggan oo dhinacyadu ay isweydaarsanayeen.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa in uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Wasaaradda Gaashaadhigga Somaliland iyo qaar ka mid taliyeyaasha ciidamada Somaliland ayaa ku eedeeyay dhinaca ka soo horjeeda inay dagaal ku soo qaadeen fariisimaha ciidamada Somaliland.

Waxaa sidoo kale ay eedeyn u soo jeediyeen maamul goboleedka Puntland oo ay sheegeen in ciiidamadiisu ay dagaalka ku lug lahaayeen. Somaliland ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii maanta iyo in ay saanad militari ku qabsatay.