Heshiis muhiim ah oo ay gaareen Ciraaq & Iiraan, xilli Shiinaha uu galaangal xooggan ku yeeshay Bariga Dhexe

Xafiiska ra’iisul wasaaraha waddanka Ciraaq iyo Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee waddanka Iiraan ayaa shaaciyay bayaan ay wadajir u soo saareen, kaas oo ay ku sheegeen in Ciraaq iyo Iiraan ay kala saxiixdeen heshiis looga gol-leeyahay in lagu sugo “amniga xuduudaha”.

Warkan ayaa la shaaciyay kaddib markii Cali Shamkhani oo ah xoghayaha golaha amniga qaranka ee Iiraan uu waddanka Ciraaq ku maray safar uu ku bixinayay gobolka.

Bayaankan ka soo baxay Iiraan iyo Ciraaq, ayaa lagu sheegay in heshiiskan amniga uu dhigayo in la iska kaashado ilaalinta xuduudaha ay wadaagaan labadan dal ee dariska ah. Si kastaba xaalku ha ahaadee, weli lama shaacin faahfaahin intaasi dheer oo la xiriirta heshiiskan lagu ilaalinayo laguna sugayo ammaanka xuduudda labada dal.

Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda Iiraan, “Dikumintiga iskaashiga amniga ee wadajirka ah, kaas oo laga wadahadlayay oo la isweydaarsaday dhowr bilood, ayaa waxaa saxiixay saraakiisha ugu sarreysa ee amniga” ee labada waddan.

Sida lagu sheegay wararka, Mr. Shamkhani ayaa u ambabaxay dalka Ciraaq isaga oo ay la socdaan wafdi ay ka mid yihiin “Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, kuxigeenka arrimaha dhaqaalaha ee wasaaradda arrimaha Dibadda iyo kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda ee wadammada dhaca Gacanka Persia”.

Mr. Shamkhani ayaa sidoo kale todobaadkii hore safar ku tegay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kahor inta uusan soo gebagabayn heshiiska lagu soo celinayo xiriirkii dalkaas kala dhaxeeyay waddanka Sucuudiga, dedaalladaas oo ay garwadayn ka aheyd dowladda Shiinaha.

Hasayeeshee lama sheegin in heshiiskan ay dowladda Shiinaha ku lugleedahay iyo in kale.

Dhowrkii sanno ee la soo dhaafay Iiraan ayaa si isdaba joog ah duqeymo cirka ah ugu bartilmaameedsanaysay deegaano ka tirsan gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq. Dowladda Ciraaq iyo mas’uuliyiinta gobolka Kurdistan ayaa marar badan dhaleeceeyay weeraradaasi.

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in dhinacyada Kurdiyiinta ee ka soo horjeeda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay deegaannada xadka Iiraan iyo gobolka ka gaystaan weerarro, islamarkaana ay hurinayaan dibadbaxyo ka dhaca gudaha waddanka Iiraan.

Xiisado sii kordhayay bilihii la soo dhaafay

Bishii Diseembar ee sanadkii tegay, Xuseen Amir-Cabdullahian, wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay kulamo la yeesheen saraakiisha ammaanka ee Ciraaq, wuxuuna sheegay in dowladda Ciraaq ay “ka go’an tahay” inay “hubka ka dhigto” kooxaha mucaaradka ku ah Iiraan sidoo kalana ay ka fogayso xuduudda Iiraan.

Si kastaba xaalku ha ahaadee, dawladda Ciraaq ayaa dhankeeda bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “ciidamada Ciraaq ee ilaaliya xuduudaha Ciraaq ay u daadguraysay xuduudaha Iiraan iyo Turkiga”.

Waqtigaas, sarkaal sare oo ka tirsan Kurdistaanta Ciraaq iyo sidoo kale lataliyaha sare ee xiriirka dibadda ee dawladda Ciraaq oo ka qeybqaadanayay geeddi-socodkii wadahadalka Tehraan ee Erbil iyo Baqdaad, oo la hadlay Nafisa Kohnoord, oo ah weriyaha sare ee Bariga Dhexe uga soo warranta BBC Farsi, ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ciidamada ilaalada u dirtay xudduudaha Kurdistan.

Waxay u xaqiijiyeen in Ciraaq iyo Iiraan ay ka wadahadleen arrinta amniga xadka oo kaliya, taas oo ka duwan hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, waxaanay ay dhankooda ku nuuxnuuxsadeen in arrinta hub ka dhigista dhinacyada Kurdiyiinta Iiraan aanan la iskula soo qaadin shirarkii Baqdaad iyo Erbiil.

Iran ayaa “argagixiso” ku tilmaantay kooxaha Kurdiyiinta ee ka soo horjeeda Jamhuuriyadda Islaamiga ah, waxaana ay marar badan xarumahooda ku beegsatay weeraro gantaallo ay u adeegsatay oo ay dad badan ku dhinteen.

Xigasho: BBC