Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo saaka toogasho ku fulisay laba eedeesanne

Maxkamada Ciidamada qalabka sida gaar ahaan qeybta 60aad ayaa saaka markale Baydhabo ka fulisay xukun dil toogasho ah.

Toogashada ayaa waxaa lagu fuliyay Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan oo maxkamada horey dil ugu xukuntey.

Shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale laba Askari oo horay dilal u geystay lagu fuliyay dil toogasho ah, kuwaas oo kamid ahaa dadka kunool Magaalada Baydhabo.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa weli u xiran rag xukunsanayaal ah, kuwaas oo ka kala tirsan Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, iyada oo la filayo inĀ  dhawaan dil toogasho lagu fuliyo.