Waa kuma ninka saboolnimada ku soo koray ee loollanka adag ugu jira inuu beddelo Erdogan?

Isbaheysiga mucaaradka ee Turkiga oo ay ku jiraan lix xisbi ayaa ku dhawaaqay in hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga, Kamaal Kilicdaroglu, uu u sharraxan yahay doorashada madaxtinnimo ee dhici doonta 14-ka May ee sanadkan, iyadoo Kilicdaroglu uu billaabay dagaalkiisii ugu horreeyay ee dhanka loollanka madaxtinnimo uu la gali doono madaxweynaha hadda talada haya, ahna hoggaamiyaha xisbiga caddaaladda iyo horumarka Rajab Dayib Erdogan.

Is waydiinta ayaa ah Kilicdaroglu ma waxa uu taariikhda ku gali doonaa in uu soo afjaro xukunka Erdogan ee 21-ka sano ahaa ee Turkiga, oo ma wuxuu bilaabayaa waa cusub, mise waxa uu ku noqon doonaa qayb ka mid ah waayihii hore oo ma lumin doonaa doorashooyinkii ugu muhiimsanaa ee Turkiga?.

Waa kuma Kamaal Kilicdaroglu?

Kılıçdaroğlu wuxuu ku dhashay 1948 tuulada Balica ee degmada Nizamiye ee Gobolka Tunceli.

Aabbihii wuxuu ahaa shaqaale dawladeed, umana sahlaneyn inuu masruufo qoys ka kooban toddoba carruur ah. Sida laga soo xigtay xogtiisa gaarka ah, ma uusan haysan dhar-iskuul ah maalin maalmaha ka mid ah waxaa la soo daristay dhar la’aan, sidaas darteed wuxuu ka soo amaahday saaxiibkiis dhar si uu uga qayb galo xaflad.

Saboolnimada uu Kilicdaroglu soo maray carruurnimadiisii darteed, dagaalka lagula jiray faqriga ayaa ahaa sababta ugu muhiimsan ee uu u galay siyaasadda. Waxa uu ballan qaaday in marka uu xukunka qabto aanu dalka Turkiga carruuri ku seexan doonin gaajo.

Kemal Kilicdaroglu waxa uu waxbarashadiisa hoose iyo sare ku qaatay Ercich, Tunceli, Genk iyo Elazig. Wuxuu ka baxay Dugsiga Sare ee Ganacsiga ee Elazig.

Sannadahaas, ardayda ka qalinjabisay dugsiga sare ee ganacsiga xaq uma lahayn inay galaan imtixaanka jaamacadeed, sidaas darteed wuxuu galay machadka dhaqaalaha iyo cilmiga ganacsiga ee Ankara.

Ardayda ay isku fasalka ahaayeen waxaa ka mid ahaa hoggaamiyaha xisbiga dhaqdhaqaaqa waddaniga ah ee midigta fog, Devlet Bahceli, laakiin wax yar ayay iskaga mid ahaayeen dhanka siyaasada.

Sida laga soo xigtay asxaabtiisa, Kılıçdaroğlu wuxuu ahaa arday wanaagsan, macallimiintiisuna waxay rabeen inuu sii joogo machadka, laakiin saboolnimada qoyskiisa awgeed wuxuu doorbiday inuu shaqo ka helo “dowladda” sida ugu dhakhsaha badan.

Waxa uu shaqadiisa ka bilaabay Wasaaradda Maaliyadda ka dib markii uu ku guulaystay imtixaankii takhasuska xisaabaadka sannadkii 1971kii, waxaanu ku dhammaystay shaqadiisii xirfadeed ee Agaasimaha Guud ee Caymiska Bulshada, oo uu si mutadawacnimo ah uu ku qabtay sanadkii 1999-kii.

Dhanka dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed, Kilicdaroglu wuxuu ku biiray xisbiga Jamhuuriga 2002, kaasoo uu aasaasay aasaasihii Jamhuuriyadda, Mustafa Kemal Ataturk, wuxuuna u tartamay doorashadii baarlamaanka Turkiga bishii November 2002 iyo ka dib Agoosto 2007, wuxuuna ku guuleystay xubinnimada baarlamaanka. degmada labaad ee Istanbul.

Waxa uu u tartamay duqa degmada Istambul doorashadii deegaanka ee dhacday March 2009, balse waxay guushu ku raacdat 37 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, isaga oo jagadaasi ku waayay musharaxii xisbiga AKP Kadir Topbaş. Sannadkii 2010-kii, Golaha Guud ee CHP ayaa u doortay inuu noqdo madaxweynaha xisbiga kaddib markii uu iscasilay madixii isaga ka horreeyay, Deniz Baykal.

Kemal Kilicdaroglu ayaa tan iyo bishii May ee sannadkii 2010-kii madax ka ahaa mucaaradka Turkiga ee Jamhuuriga, waxaana uu caan ku yahay mucaaradnimada xooggan ee uu kaga soo horjeedo Recep Tayyip Erdogan iyo siyaasadda xisbiga talada haya ee Caddaaladda iyo Horumarka. Waa mid ka mid ah difaacayaasha ugu waaweyn ee qiyamka cilmaaniga ah ee Turkiga iyo dhaxalkii Ataturk.

Kemal Kilicdaroglu ayaa ka soo horjeeda faragelinta Turkiga ee arrimaha Suuriya, wuxuuna ku dhawaaqay inuu soo celin doono xiriirka dowladda Suuriya haddii uu xukunka qabto.

Wuxuu dhaleeceeyay xiriirka uu u jaray Israa’iil 2008-dii, sababtoo ah waxay dhibaato u geysatay Turkiga, waa sida uu hadalka u dhigaye, ka hor inta uusan caadi ku soo laaban bishii Agoosto ee sannadkii hore.

Kilicdaroglu waxa uu booqasho ku tagay dalka Ciraaq bishii Ogoosto ee sanadkii 2013-kii, waxaanu xilligaasi la kulmay Raysal-wasaarihii Ciraaq Nuuri Al-Maaliki, kaas oo muran baahsan ka dhex dhaliyay dhinacyada siyaasadda Turkiga.

Xigasho: BBC