Walaac iyo cabsi ka dhalatay gantaal ah nooca qaaradaha isaga kala goosha oo ay saaka ridday K/Waqooyi

Kuuriyada Waqooyi ayaa ridday gantaal ah nooca isaga kala goosha qaaradaha (ICBM) saacado ka hor inta aysan wada-hadallo taariikhi ah yeelanin hoggaamiyeyaasha Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Labada mas’uul ee Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijiyay gantaalka riddada dheer la riday subaxnimadii Khamiista.

Waxaa uu gantaalkani awood u leeyahay inuu gaaro qiyaastii 1,000km (620 mayl) waxaa uuna ku dhacay biyaha galbeedka Japan.

Waa gantaalkii afraad ee ay Pyongyang riddo toddobaad gudihiis, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay si wadajir ah u sameynayaan dhoolatus ciidan oo badda ah.

Kuuriyada waqooyiga ayaaa ridday Khamiistii hore, Sabtidii iyo Isniintii gantaalo- waxay-na ahaayeen gantaallada riddada gaaban.

Tijaabooyiinka iyo ganidda gantaalaha Kuuriyada Waqooyi ayaa loo badinayaa inuu noqon doono ajandaha ugu sarreeya marka madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol uu Tokyo kula kulmo ra’iisul wasaaraha Japan Fumio Kishida gelinka dambe ee Khamiista – booqashadii ugu horreysay muddo 12 sano ah.

Tan iyo Isniintii, Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed waxa ay dhoolatusyo ka wadeen gacanka Kuuriya – waana dhoolatuskii ugu ballaarnaa.

Kuuriyada Waqooyi ayaa marar badan sheegtay in ay dhoolatusyada noocaan ah u aragto daandaansi.

Gantaalka Khamiista ayaa la soo riday 07:10 (22:10 GMT) isagoo ka yimid Pyongyang oo ku taal xeebta bari ee Kuuriyada Waqooyi, sida ay sheegeen taliyayaasha ciidamada ee Kuuriyada Koonfureed.

Wasaaradda difaaca ee Japan ayaa xaqiijisay in uu gantaalkani ahaa nooca ICBM , waxayna sheegtay in uu ku duulayay joog ka sareeya 6,000km qiyaastii 70 daqiiqo.

Saraakiisha Japan ma aysan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay gantaalka.

Mr Yoon wuxuu amar ku siiyay militariga dalkiisa inay sii wadaan dhoolatuska wadajirka ah ee Mareykanka sidaa qorshuhu ahaa.

Kuuriyada Waqooyi ayaa markii ugu dambeysay ee ay riddo gantaalada qaaradaha isaga talaaba ayaa ahayd bil ka hor – falkaas oo dhaliyay kulan degdeg ah oo Qaramada Midoobay iyo cambaareyn uga timid dalalka G7.

Gantaalada ICBM- ayaa leh walaac gaar ah marka la eego baaxadda dhulka uu gaari karo.

Khubarada ayaa sheegay in gantaalada noocaan ah ee laga soo riday Kuuriyada Waqooyi ay suuragal tahay inay gaaraan dhulweynaha Mareykanka.

Xiisadda sii korodhay ee Kuuriyada Waqooyi sanadkii la soo dhaafay ayaa ah mid ka mid ah mowduucyada udub dhexaad u ah in looga hadlo kulanka Tokyo ee Khamiista.

Dalalka dariska la ah Kuuriyada Waqooyi ayaa walaac badan ka muujiyay gantaaladan ay rideyso Pyongyang .

Xigasho: BBC