Dagaalka Sudan:- Xaqiiqooyin ku saabsan ciidanka RSF & ninka xukuma.

Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa xaqiiqooyin ku saabsan ciidanka dagaalka kulajira milatariga Sudan, oo lagu magacaabo Rapid Support Forces, kuwaas oo Sabtidii sheegay in ay la wareegeen madaxtooyada iyo garoonka caalamiga ah ee dalkaas isku day muuqda oo afgambi ah.

* RSF waxaa taliye u ah General Mohamed Hamdan Dagalo, oo hadda haya jagada ku xigeenka madaxa golaha sare ee xukunka Suudaan, oo loo yaqaan Hemedti. Falanqeeyayaasha ayaa ku qiyaasay in tirada ciidanka ay gaarayaan 100,000,  waxa ay ka howlgalaan saldhigyo ku yaalla dalka oo dhan ah.

* Waxa ay ka soo unkameen maleeshiyaadkii loo yaqaanay Janjaweed ee ka dagaalamayey sanadkii 2000 dagaal ka dhacay gobolka Darfur, halkaas oo ay u adeegsatay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cumar Al-Bashiir si ay uga caawiso ciidamada in ay jabiyaan jabhadda. Qiyaastii 2.5 milyan oo qof ayaa ku barakacay 300,000 oo qofna lagu dilay iskahorimaadyada. Dacwad oogayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa ku eedeeyay saraakiisha dowladda iyo taliyeyaasha janjaweed xasuuq, dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadminimada Darfur.

* Muddo ka dib ciidamada ayaa koray, waxaana loo adeegsaday ilaalinta xuduudaha gaar ahaan si loo xakameeyo socdaalka aan joogtada ahayn. Dhanka kale, Hemedti danihiisa ganacsi ayaa koray ka dib markii uu gacan ka helay Bashiir, qoyskiisuna waxay balaariyeen hantidii dahabka, xoolaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

* Laga soo bilaabo 2015, RSF oo ay weheliyaan ciidamada Suudaan, waxay bilaabeen inay u diraan ciidamadooda dagaalka ka socda Yemen iyagoo garabsanaya ciidamada Sucuudiga iyo Imaaraatka, taas oo u ogolaatay Hemedti inuu xiriir la sameeyo quwadaha Khaliijka.

*Sannadkii 2017-kii, waxaa la meelmariyay sharci u xalaaleynaya RSF inay tahay ciidan ammaan oo madax-bannaan. Ilo-wareedyo Millitari ayaa sheegay in Hoggaanka Ciidanku ay muddo dheer walaac ka muujiyeen horumarinta ciidamada Hemedti.

* Bishii Abriil 2019, RSF waxay ka qayb qaadatay afgambi militari oo xukunka looga tuuray Bashiir. Dabayaaqadii sanadkaas Hemedti waxa uu saxeexay heshiis awood qaybsi kaas oo ka dhigay ku xigeenka golaha talada haya ee uu madax ka yahay General C/fataax al-Burhan.

* Kahor inta aan la saxiixin sanadka 2019, waxaa lagu eedeeyay RSF in ay ka qayb qaadatay dilalka daraasiin dibadbaxayaal dimoqraadi ah. Kooxaha xuquuqda ayaa sidoo kale ku eedeeyay askarta RSF rabshado qabiil. Hemedti ayaa xilligaas qaar ka mid ah saraakiisha ka qaaday xasaanadii, waxaana lagu soo oogay dacwadp. Sannadkii hore ayuu raalli-gelin ka bixiyay dambiyo ay dowladdu ka gashay dadka Suudaan, isagoo aan tafaasiil ka bixin.

* RSF waxa ay ka qayb qaadatay afgambi bishii Oktoobar 2021 lagu hakiyay u gudbida doorashada. Hemedti ayaa tan iyo markaas dadka u sheegaayay in uu ka xun yahay afgambiga, waxaana uu muujiyay oggolaanshaha heshiis cusub oo lagu soo celinayo dawlad buuxda oo rayid ah.

*Ciidanka Suudaan iyo sidoo kale kooxaha dimuquraadiyadda taageera ayaa dalbaday in RSF ay ku biirto ciidamada qalabka sida ee caadiga ah.

Wada xaajoodka arrintan ayaa ahaa xiisad dib u dhac ku keentay saxiixii ugu dambeeyay ee heshiiska, oo markii hore loo qorsheeyay 1-da Abriil, ee dowlad cusub iyo u gudubka doorashada.