Xasan Sheekh oo difaacay xiriirka kala dhexeeya Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay xalay si faah-faahsan uga hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, oo aad u xoogeystay kadib markii uu xilka dib ula wareegay.

Imaaraadka Carabta ayaa ahaa dalkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu booqdo maalmo un kadib markii dib loo doortay 15-kii May 2022, taasi oo muujisay ahmiyadda uu siinayo xiriirka labada dal.

Hase yeeshee, dadka dhaliila siyaasaddiisa ayaa sheegay inuu siyaasadda arrimaha dibedda dalka hoos geeyey Abu Dhabi.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo xalay Muqdisho ku qabtay kulan dadweyne, ayaa ka jawaabay su’aasha ku saabsan sababta uu xulufo uga dhigtay Imaaraadka Carabta.

“Maanta aan joogno, waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego: Dowladda Imaaradka Carabta waa tiirarka ugu waaweyn ee ay ku taagan tahay la-dagaalanka argagxisada. Ciidanka la amaaanayo ee Muqdisho jooga iyadaa noo dhistay, noona qalabeysay, Gaadiidka iyo Hubka ay wataan Imaaraadka Carabta ayaa na siiyay, wax shuruud ah oo ku xireenna ma jirto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayey madal Dadweyne oo su’aalo lagu weydiiyay ayaa si weyn u difaacay xiriirka dowladiisa iyo Imaaraadka Carabta, isagoo ku tilmaamay saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya xilligan leedahay.

Xasan Sheekh wuxuu ku eedeeyay dad uu ku tilmaamay caddow inay doonayaan inay isku diraan Soomaaliya iyo dalalka saaxiibada la ah ee taageera, taasina aysan ka ogolaaneyn.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa aad u xumaa muddadii uu madaxweyne dalka ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dowladdiisa ay ka door biday Qatar oo ay is-hayaan, balse Xasan Sheekh ayaa isbaheysi weyn ka dhigtay Abu Dhabi markii dib loo doortay.