Musuqmaasuqii sababay in ciidanka Uganda lagu laayo Buulo-Mareer oo la soo bandhigay?

Madaxweyne Museveni ayaa ku eedeeyay weerarkii dhawaan lagu qaaday xerada ciidamada Uganda ee Soomaaliya in ay ka danbeeyeen askar aan si fiican ugu tababaran howlgallada dagaalka, isla markaana Soomaaliya ku soo galay qaab musuq maasuq ah oo ay ku lug leeyihiin saraakiil ka tirsan Milatariga.

Al-Shabaab ayaa todobaadkii hore tiro askar ah oo ka tirsan ciidamada Uganda waxa ay ku dileen weerar qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo qiyaastii 140-km u jirta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

“Dhibaato ayaa ka dhacday ciidamadeena jooga Soomaaliya, laakiin mid ayaa dib u soo galay meeshii ay ka argagaxeen UDPF,” ayuu yiri Museveni oo ka hadlayay Buula Mareer.

“Argagixisadu way carareen, hadda waxaan helaynaa xaqiiqooyin badan oo ku saabsan khaladku wuxuu ahaa, khaladku runtii waa musuqmaasuq, laakiin faahfaahinta waan heli doonnaa,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa shaqada ka cayriyay saraakiishii ciidanka hogaaminaysay isagoo sheegay inay yihiin labo askari oo darajada Gaashaanle ah xiran.

“Midka kale aqoonsigiisa waan heli doonaa, balse waxaa jira mid lagu magacaabo Okia, oo sida muuqata ku sugnaa dukaanka ciidamada ee Kampala, waa kii u sheegay askarta in ay baxsadaan, marka waa la xirayaa” ayuu yiri.

Weerarkan ayaa walaac ka muujiyay tayada taliska ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.

Madaxweyne Musaveni ayaa todobaadkii hore sheegay in qaar ka mid ah askartii halkaasi ku sugneyd aysan soo bandhigin wax-qabadkii ay filayeen oo ay argagaxeen, taasi oo keentay in ay is abaabulaan, Al-shabaabna ay ka faa’iideystaan in ay buux dhaafiyaan saldhigga, isla markaana ay burburiyeen qalabkii yaallay.

Waxa uu aad u dhaliilay shuruudaha ay UPDF u adeegsadaan in ay soo xulaan ciidamada loo dirayo Soomaaliya, isaga oo sheegay in cunto kariyaasha iyo ilaaladu ay iska dhigaan halyaayo haysta tababar ciidan iyo isku kalsoonaan dheeri ah.

Museveni, oo dhowrkii toddobaad ee u dambeeyay soo bandhigay musuq-maasuqa xooggan ee ka dhex jira ciidamada, ayaa sheegay dhawaan, in UPDF aysan waligood dhibaato weyn kala kulmin al-Shabaab, sababtoo ah awoodda ciidamada qaranka oo lagu tilmaamo mid saraysa.

Taliyaha ciidamada dhulka Lt Gen Kayanja Muhanga ayaa hadda u jooga Soomaaliya si uu u baaro weerarkii dhimashada badnaa ee galaaftay nolosha tobanaan askari oo Ugandan ah.

“Waa dambi in qof kasta oo ku lug leh, inuu soo diro tiyaatarkan oo kale askar aan ku habboonayn hawshaas ama aan si sax ah u diyaarin,” ayuu yiri Museveni usbuucii hore, isagoo raaciyay, “Faah-faahinta waxay soo bixi doontaa marka BOI ay dhameysato shaqadeeda. ”

Al Shabaab ayaa sheegtay in ay dagaalkii Buulo Mareer ku dishay ku dhawaaq laba boqol oo askari taas oo soo bandhigtay habacsanaan xooggan oo ka dhexjirta saldhigyada ciidan ee ATMIS, kooxda ayaa sidaan oo kale horay cagta u marisay saldhigyo ay leeyihiin ciidanka Kenya iyo Burundi ee ku sugan Soomaaliya.