Xamza oo amar cusub kusoo rogay wasiiradda DF ka hor wejiga labaad ee dagaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo war cusub kasoo saaray sugidda amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, ayaa shaaciyay in dhawaan xukuumaddu ay bilaabi doonto wejiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Al-Shabaab kaga sugan tahay dalka.

Mudane Xamza ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda ay hormuud u yihiin bulshada loogana baahan yahay ku hoggaaminta dagaalka si ay ugu dhiirradaan, wuxuuna faray xubnaha golaha wasiirada XFS inay tagaan furimaha dagaalka.

“Shacabku hoggaankooda halkaan ayay fadhiyaan, Haddii Wasiirku iska aamuso ama xishoodo oo uu dhaho ayaantaan Xamar wey ii fiican tahay dhib kama jiree oo dagaalkiiba waa dhammaaday haddii uu saas u maleeyo arrintu sidaas ma ahan, waxa aan u baahanay in aan baxno oo wasaaradda gaashanadhigga qorshe keento oo wasiiradu howl-galkaas uga qeyb qaataan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in kaliya aan looga harin in la sugay nabad-galyada balse loo baahan yahay in lasii xoojiyo, lana gaaro deegaannada ay weli joogaan kooxda Al-Shabaab, si looga qabsado oo looga xoreeyo.

“Ajande qaran oo weyn waxaa inoo ahaa arrinta amniga, arrintii Amniga waxaa rabnaa in aan dardargelino, waxa aan u baahanahay in aan dardargelin la imaano oo Xukuumaddu hormuud ka tahay oo wajiga labaad ee dagaalka ah loogana qaybqaadanayo sidii horay looga qaybqaatay oo kale.”

Waxa kale oo uu xusay in amnigu uu yahay ajende qaran oo u baahan in dowladda iyo shacabka ay iska kaashadaan cirib-tirka iyo ka hortagga kooxaha Khawaarijta.

“Wasaaradda Gaashaandhiga waa inay la timaado qorshe cad oo lagu dhaqaaqayo si wejiga labaad ee howl-gallada loo guda-galo. Haddii aan goobtii dagaalka tagin oo ay iyagu shilinka bixin oo la hadlin, shacabka hoggaankiisu halkan ayay fadhiyaan.”

Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa imanaya xilli uu dhawaan bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. Wejigan ayaa noqon doona mid lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-Shabaab, sida uu hore u sheegay madaxweynaha Soomaaliya.